741 Views

Madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday iyo Raisal wasaare Rooble oo ka tacsiyadeeyay geeridii Ajakis

Madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday iyo Raisal wasaare Rooble oo ka tacsiyadeeyay geeridii Ajakis
____________________________________________________________________________

Isniin: September 27, 2021

Madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Raisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa  ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Cabdi Muriidi (Ajakis).

Farmaajo ayaa marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa Aamiin.

, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble iyo Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdi wali Ibraahim Sheikh Muudey aya iyana ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis).

Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu yiri “Ray’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdi wali Ibraahim Sheikh Muudey aya iyana ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis) waxa ayn alle uga baryeen in naxariistiisa janno ugu deeqo eheladii iyo asxabtii u kabaxayna samir iyo iImaan alle hakasiiyo.

Sidoo kale Cabdi Muriidi ayaa ahaa majaajiliste caan ah islamarkaana geeridiisa ay aad ugu wada naxeen dad badan oo iskugu jira qeybaha kala duwan ee bulshada iyo masuuliyiin xilal kasoo qabtay dalka iyo kuwa hadda haya.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post