1050 Views

Wararkii ugu dambeeyay Duqeyn ka dhacday degaano ka mid ah Puntland

Wararkii ugu dambeeyay Duqeyn ka dhacday degaano ka mid ah Puntland
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 31–2019 | —Diyaarado dagaal oo aan la ogayn dalka laga leeyahay ayaa Weerar Cirka ah ku qaadey saldhigyo Al-Shabaab iyo Daacish ay ku leeyihiin degaano hoos yimaado gobolka Bari ee Puntland.

 

Saraakiil ka tirsan Ciidanka maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay in duqeynta lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan Daacish.

 

 

 

Duqeynta ayaa si gaar ah uga dhacday Madarshaan oo u dhaxeeya Magaalada Boosaaso iyo Galgala.

 

Dadka degaanka ayaa sheegey in Diyaaradahaas Gantaallo ku garaaceen saldhig ay leeyihiin Daacish waxaana la ogeyn khasaaraha ka dhashay.

 

Diyaaradaha Dagaalka Mareykanka iyo kuwa Kenya ayaa inta badan ka fuliya weerarada cirka ah oo inta badan lala beegsado goobaha ay ka taliyaan  Al-Shabaab iyo Daacish ee Soomaaliya.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment