1290 Views

Mareykanka Oo Ka Hadlay Dilka Ku-Xigeenkii Hoggaamiyaha Daacish-Ta Somalia

Mareykanka Oo Ka Hadlay Dilka Ku-Xigeenkii Hoggaamiyaha Daacish-Ta Somalia
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 16, 2019 Dowladaha Maraykanka iyo Somalia waxay xaqiijiyeen in Ku-xigeenkaasi lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo bishan 14-di ika dhacday Tuulladda  Xiriiro ee duleedka Degmadda Qandala ee Gobalka Bari ee Puntland.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Taliska Milliteriga Maraykanka ee ku sugan Qaaradda Afrika ee AFRICOM ayaa lagu sheegay inay duqeyn ku dileen Sarkaal Sare oo ka tirsan Daacish-ta Somalia.

AFRICOM waxay sheegtay inay dileen C/xakiim Maxamed Ibraahim “C/xakiim Dhuqub” oo ahaa Ku-xigeenkii Hoggaamiyaha Daacish-ta Somalia, kaasi oo horey xilkaasi kala wareegay Ku-xigeenkii hore ee Daacish-ta Somalia, Mahad Macallim, kaasi oo sannadkii hore lagu dilay magaalladda Muqdisho.

AFRICOM waxay kaloo sheegtay in C/xakiim Dhuqub mas’uul ka ahaa Hawl-galladda Maalinlaha ee Daacish-ta Somalia, qorsheynta weeraradda iyo dhaqaale-ururinta.

 

Kooxda Daacish-ta Somalia oo uu hoggaamiyo Sheekh C/qaadir Muumin waxay Saldhigyo ay ka hawl-galaan ku  leeyihiin Puntland, waxayna mas’uul ka yihiin toogasho, qaraxyo iyo dilal qorsheysan ka dhacay guud ahaan dalka Somalia tan iyo sannadkii 2016-kii.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment