1677 Views

fiqi “Ciidamada daraawiishta Galmudug ee Cadakibir jooga waxaan u dirnay Gurmad kale oo dheeri ah

fiqi “Ciidamada daraawiishta Galmudug ee Cadakibir jooga waxaan u dirnay Gurmad kale oo dheeri ah
____________________________________________________________________________

Jimco: August 13, 202

Wararka ka imaanaya  duleedka magaalada Cadaado ayaa sheegaya in ciidamo aad u fara badan oo ka tirsan kuwa Galmudug ah  oo gurmad ah ay ka baxeen magaalooyinka Cadaado, Baxdo iyo Godinlabe ee ka tirsan gobolka Galgaduud.

Ciidamada ayaa ku wajahan aagga Cadakibir, oo dagaql culus uu ku dhexmaray ciidamada daraawiishta Galmudug iyo Meshiyaadka  Al-shabaab.

 “Ciidamada daraawiishta Galmudug ee ku sugan deegaanka Cadakibir ee Gobolka Galgaduud ayaa iska caabiyay weerar ay galabta ku soo qaadeen kooxda argagixisada Shabaab” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Kooxda Shabaab iyo ciidamada Galmudug ayaa dagaal kulul waxa uu ku dhex maray Deegaanka Cadakibir Walow warar aan la Xaqiijin ay sheegayaan in gacan ku haynta Cadakibir ay la wareegeen Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post