537 Views

Booliska Kenya oo sheegay in xireen 91 qof oo muwaaddiniin Itoobiyaan ah oo dalka sharci darro ku joogay.

Booliska Kenya oo  sheegay in xireen  91 qof oo muwaaddiniin Itoobiyaan ah oo dalka sharci darro ku joogay.
____________________________________________________________________________

isniin: January 10, 2022

Booliska Kenya ayaa sheegay inuu soo qabqabtay 91 qof oo loo maleynayo iney yihiin muwaaddiniin Itoobiyaan ah oo dalka sharci darro ku joogay.

Wakaaladda Baarista Dambiya ee DCI ayaa sheegtay dadkaasi in habeennimadii Axadda laga soo qabtay guri ku yaalla deegaanka Kitengela ee ka baxsan magaalada Nairobi.

Waxayna boolisku sheegeen dhammaan dadka ay qabqabteen iney yihiin rag ay da’dooda 25 jir ka yar tahay.

DCI barteeda Twitterka waxay ku qortay iney rumeysan tahay dadkan in si sharci darra ah dalka lagu soo geliyey, dad wax tahriibiyana ay doonayeen iney si dhuumaaleysi ah ugu sii gudbiyaan waddan kale.

Booliskana waxay sheegeen iney ku raad joogaan shaqsiyaadka looga shakisan yahay iney dadkaasi si sharci darra ah dalka Kenya ku soo geliyeen.

Bishii Oktoober waxay bolisku qabteen 14 qof oo muwaaddiniin Itoobiyaan ah oo isugu jira 10 carruur ah iyo 4 qof oo waaweyn.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post