411 Views

Shirkadda diyaaradaha Imaaraadka oo joojisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtay Dalka Nigeria

Shirkadda diyaaradaha Imaaraadka oo joojisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtay Dalka Nigeria
____________________________________________________________________________


 Khamiis: SEPTEMBER 1, 2022

Shirkadda diyaaradaha ee Emirates oo fadhigeedu yahay Dubai ayaan u duuli doonin kana soo duuli doonin Nigeria 10-ka maalmood ee soo socda.

Sababta ayaa lagu sheegay in ay tahay lacag Shirakaddu ku leedahay mamaulka Nigeria.Duulimaadkii ugu dambeeyay ee Emirates waxay ka tagtay Lagos Arbacadaii, waxaynu shirkaddu sheegtay in rakaabka ay saamaysay tallabadaan ay sameyn karaan qorshayaal kale oo ay ku sii wada karaan safaradooda.

Hakinta ka hor, shirkaddu waxay hoos u dhigtay duullimaadyadeeda Nigeria ay hore ugu tagi jirtay iyadoo muujisay inay joojinayso duullimaadyada laga bilaabo 1 Sebtembar si loo xaddido khasaaraha dheeraadka ah.Waxay sheegtay in dawladdu ay ku leedahay $85 milyan oo ay ka samaysay iibinta tigidhada.

Duulimaadyada ayaa dib u bilaaban doona 11-ka Sebtembar ka dib tillaabo ay qaadeen mas’uuliyiinta Nigeria si ay u sii daayaan qaar ka mid ah lacagta lagu leeyahay.Toddobaadkii hore, Bankiga Dhexe ee Nigeria ayaa 265 milyan siiyay shirkadaha diyaaradaha ee ka howlgala dalkaas si looga hortago dhibaato dhanka duulimaadyada ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post