1125 Views

Ciidamada GalMudug oo goobo hor leh Al-shabaab kala Wareegay

Ciidamada GalMudug  oo goobo hor leh Al-shabaab kala Wareegay
____________________________________________________________________________

Axad: july 25 2021

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Howlgalka Dagaalka Ciidamada Dowlada iyo Al-shabaab ku dhex maraya Deegaanada Galmudug, waxaana saacadihii  la soo dhaafay shabaab laga saaray Deegaano hor leh.

Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in Al-shabaab saakay lalaga wareegay  deegaanka Shabeeloow oo hoostaga gobalka Mudug, oo aan ka fogayn Degmada Muhiimka u ah Al-shabaab ee Xaradhere.

Ciidamada dowladda ayaa sidoo kale la sheegay ay burburiyeen fariisimo ururka Al-shabaab ay ku lahaayeen deeganka .

Deegaanka Shabeeloow oo dhaca koonfurta gobalak Mudug ayaa waxaa muddooyinkii la soo dhafay ku sugna xubno ka tirsan ururka al-shabaab.

Sidoo kale Ciidamada Galmudug, kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamo dadka deegaanka Galmudug ayaa dagaal kula jiro kooxda Al-Shabaab oo maleeshiyo badan kusoo daabushay deegaanada Maamulka Galmudug gaar ahaan Mudug, waxaana Al-Shabaab laga saaray dhowr degmo kadib dagaal qaatay muddo bil ah.

Ciidamada huwanta oo garab ka helayo diyaaradaha dagaalka ee Dowladda Mareykanka ayaa qorsheenayo inay gaaraan Magaalada Xarardheere oo ah saldhigga ugu weyn ay Al-Shabaab ku leeyihiin deegaanada Galmudug.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post