1701 Views

Ciidanka Puntland oo gacanta ku dhigay Taliskii Al-shabaab ku lahayd Buuraleyda Gobolka Bari

Ciidanka  Puntland oo  gacanta ku dhigay  Taliskii Al-shabaab ku lahayd Buuraleyda Gobolka Bari
____________________________________________________________________________

June 16 2021

Ciidanka PF ee Puntland, ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Taliskii Al-shabaab ku lahayd Buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari.

War Qoraal ah oo ka soo baxay Ciidanka PMPF, ayay ku sheegteen in ay hawlgal qorshaysan ku qabsadeen Taliskii Al-shabaab ee Buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari.

Ciidanka ayaa tilmaamay in ay saldhigaas ku qabteen saanad hub ah, Walxaha qarxa, aaladaha lagu farsameeyo Qaraxyada iyo Tuutayaal.

PMPF kama hadlin, haddii uu jiro iska hor-imaad ka dhacay saldhiga ama  khasaare ka dhashay hawlgalkaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post