1092 Views

Rooble oo magacaabay xubnaha guddiga amniga doorashooyinka dalka

Rooble oo  magacaabay xubnaha guddiga amniga doorashooyinka dalka
____________________________________________________________________________

June 20 2021

 Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay xubnaha guddiga amniga doorashooyinka dalka, kuwaas oo dhamaantood saraakiil ah.

Xubnaha uu ka kooban yahay guddigaan ayaa isugu jira taliyeyaasha Booliska Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed, Gobolka Banaadir iyo Taliyaha Booliska AMISOM.

Saraakiishaan dhammaantood waxay ku shaqeyn doonaan awaamiirta Ra’iisul Wasaare Rooble oo hoggaaminaya doorashooyinka dalka, isla markaana si buuxda loogu xil-saaray inuu dalka ka qabto doorasho xor iyo xalaal ah oo si nabdoon ku dhacda.

Waxaa xusid mudan in Madasha Wadatashiga Qarano oo ay ku bahoobeen ra’iisul wasaare Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada ay wada saran tahay mas’uuliyadda qabsoomidda doorsho lagu wada qarancsan yahay, maadaama ay si wadajir ah u saxiixeen heshiiskii 27-kii May.

Doorashadaan ayaa laga cabsi qabaa in magaalooyinka qaar ay isku qabtaan dhinacyada tartamaya, maadaama uu ka muuqdo loolan adag, waxaana magaalooyinkaas ka mid ah Dhuusamareeb, Beledweyne iyo Garbahaarey.

Hoos ka akhriso shaxda guddiga amiga doorashada

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post