735 Views

Soomaaliya oo ka qeyb galeysa shirka dalalka Jaamacada Carabta

Soomaaliya oo ka qeyb galeysa shirka dalalka Jaamacada Carabta
____________________________________________________________________________

Muqisho |QOLIsniin : December 13, 2021—Wasiiru dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Cabdi Axmed Qaasim ayaa goor dhow gaaray magaalada Beyruut ee dalka Lubnaan, halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyay ugana qeyb gali doono shirka Jaamacada Carabta ee ISKUA.

Wasiiru Dowlaha oo ay wehlinayeen mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada sida Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cabdullaahi Maxamed Cali iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday Wasaaradaha Adeegga Bulshada sida Wasaaradda Haweenka iyo Cadaaladda.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Cabdi Axmed Qaasim ayaa la filayaa in uu kulamo la qaato mas’uuliyiinta Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ee dalka Lubnaan iyo ka qeyb galayaasha kale ee shirka ka qeyb galaya, islamarkaana uu kala hadlayo arrimo kale duwan oo la xiriira xoojinta dowladnimada dalalka Carabta.

Xafiiska Qaranimo Online |Mogdishu

_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post