924 Views

Duqa Muqdisho oo isbedal ku sameeyay qaar ka mid ah Gudoomiyeyaasha degmooyinka

Duqa Muqdisho oo isbedal ku sameeyay qaar ka mid ah Gudoomiyeyaasha degmooyinka
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  September 1, 2020—Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud Filish ayaa Isbedal ku sameeyay qaar ka mid ah Gudoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha Shibis ayaa loo Magacaabay Cali Axmed Cabdulle ( Cali Soomaali).

Degmada Shibis ayaa muddo bilooyin ah waxa ay aheyd maamul la’aan ka dib markii xilka laga qaaday gudoomiyihii hore.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa xil ka qaadis ku sameeyey gudoomiyihii degmada Shibis Cabdi Raxamaan Sayid Cali bishii April ee sanadkaan.

Gudoomiyaha degmada Dharkeenley ayaa loo Magacaabay Guhaad horay u ahaa Gudoomiyaha degmada Xamar Jajab.

Waxaa sidoo kale gudoomiyaha degmada Xamar Jabjab loo Magacaabay Maxamed Suudi.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa inta badan degmooyinka Muqdisho waxaa laga dareemayay habacsanaan dhanka maamulka ah.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  _____________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post