1836 Views

Shirka todobaadlaha ah ee Guddoomiyeyaasha 17ka degmo oo looga hadlay Dardargelinta Amniga Caasimadda

Shirka todobaadlaha ah ee Guddoomiyeyaasha 17ka degmo oo looga hadlay Dardargelinta Amniga Caasimadda
____________________________________________________________________________

Muqdisho, Ogoosto 29, 2018 — Shirka todobaadlaha ah ee Guddoomiyeyaasha 17ka degmo oo guddoominayey Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa looga hadlay dardargelinta amniga Caasimadda, sidii kor loogu qaadi lahaa ololaha nadaafadda iyo bilic soo celinta iyo Canshuuraha.

Ugu horeyn, ayaa warbixinno la xiriira xaaladaha degmooyinka laga dhageystay qaar kamid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka, iyagoona ka hadlay xaaladda degmooyinkooda, islamarkaana tilmaamay in meel wanaagsan uu marayo daadajinta adeegyada iyo wada shaqeynta bulshada.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/G Bashiir Cabdi Maxamed oo kulanka ka qeyb galay ayaa bogaadiyey isku duubnida dhinaca amniga ee shacabka iyo hay’adaha amniga, waxuna tilmaamay ka sakow falalka kooban ee dhaca xiliyada qaar in amnigu soo hagaagayo.

Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa kulanka ka sheegay in maamulkiisu uu mudnaanta siiyey sidii amni buuxa loogu heli lahaa Caasimadda, kaas oo horseed u yihiin guddoomiyeyaasha degmooyinka, Taliyeyaasha ciidamadda iyo shacabka oo iskaashanaya.

Shirka todobaadlaha ah ee Guddoomiyeyaasha 17ka degmo ayaa intii uu socday waxuu Duqa Muqdisho warbixinno la xiriira Nadaafadda, bilicda iyo dakhliga, ka dhageystay Guddoomiyeyaasha Degmooyinka, Ku-xigeennada Goddoomiyaha ee Arrimaha, Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur, iyo Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Marwo Basmo Caamir Axmed.

shirka-gud-deg-gob-banadir-3 shirka-gud-deg-gob-banadir-2 shirka-gud-deg-gob-banadir-4 shirka-gud-deg-gob-banadir-1

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment