420 Views

Shiinaha oo joojiyey heshiisyadii iskaashi ee uu la lahaa Mareykanka

Shiinaha oo joojiyey heshiisyadii iskaashi ee uu la lahaa Mareykanka
____________________________________________________________________________

Sabti: AUGUST 6, 2022

Shiinaha ayaa jimcihii ku dhawaaqay aargoosi cusub, oo ka dhan ah Mareykanka, kaasoo la xiriira safarkii ugu danbeeyey ee Taiwan ay ku gaartey madaxa aqalka wakiilada ee, Nancy Pelosi.

Maamulka Beijing, ayaa waxay joojiyeen wada shaqeyntii kala dhaxeysay Mareykanka, ee dhinacyada muhiimka ah, ee la dagaalanka isbedelka cimilada, wada hadalada ciidanka, iyo dadaalada ka dhanka ah dambiyada caalamiga ah.

Waxay sidoo kale cuna qabateyn kusoo rogeen Pelosi, oo ah sargaalka saddexaad ee ugu sarreeya Mareykanka, iyo xubnaha qoyskeeda ee u dhow, sababo iney iska indha tireen diidmada maamulka Madaxweyne Xi Jinping.

Safarka Pelosi ee jaziiradda Taiwan, ayaa waxey wiiqday madax bannaanida, sharafta dhuleed Shiinaha, sida lagu sheegay bayaan rasmi ah oo kasoo baxay Shiinaha.

Madaxda Shiinaha, ayaa ku eedeeyey Nancy Pelosi, oo ah siyaasigii ugu sarreeyey ee Mareykan ah, oo 25 sano gudahood Taiwansafar ku tago “daandaansi naxdin leh”.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post