816 Views

Laba xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab oo isku dhiibay milatariga ku sugan Marka Sawiro

Laba xubnood oo ka tirsan  Al-Shabaab oo isku dhiibay milatariga  ku sugan Marka Sawiro
____________________________________________________________________________

8-da Marso 2021

 Wararka ka imaanaya Gobolka Sh.hoose ayaa sheegaya in Laba xubnood oo ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab ay isku dhiibeen  ciidamo ka tirsan milatariga Soomaaliya oo ku sugan Magaalada Marka ee gobolka Shabeellada hoose.

Warbaahinta taageerta Dowlada Somaliya ayaa sheegtay in xubnaha isasa soo dhiibay ay lagu kala magacaabo Isaaq Cumar Ibraahim, iyo Qaasim Cabdulaahi Cali, sida laga soo xigtay saraakiisha ciidanka xoogga ee 14 October ee ku sugan magaalada Marka.

Sidoo kale Taliyaha ururka 14-aad guutada 14-ka oktoobar  Gaashaanle Cabduqaadir Maxamed Munye ayaa sheegay in labada dagaalame ee ka tirsanaa Al-shabaab ay la soo xiriireen ciidanka, ayna uga hortageen degaanka Shalaanbood, halkaasna laga soo kaxeeyay.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post