Muqdisho, August 8, 2016: Dr. Cali Khaliif Galeyr, Madaxweynaha Khaatumo State, ayaa markii u horeysay ka hadlay wada hadalo u socda Maamulka Somaliland, isagoo beeniyay in Wasiiro ka tirsan maamulkiisa ay u goosteen Hargeysa
Dr. Cali Khaliif ayaa sheegay in Somaliland ka wada hadlayaan sidii dadka deegaanada Sool iyo Sanaag nabad ugu wada noolaan lahaayeen, isla markaana loo dhameyn lahaa khilaafka dhaxdooda ah.
Waxaa uu cadeeyay in wada hadaladan ay yihiin kuwo bilow ah, isagoo xusay in wada hadalada ku xiga ay la yeelan doonaan Maamulka Puntland.
Guddi ka kooban Wasiiro oo ka socday Khaatumo ayaa maalmihii u dambeeyay wada hadalo la lahaa Somaliland, inkastoo aan wali wax war ah ka soo bixin maamulka Somaliland.
Horay ayaa dagaal uga dhacay deegaanada Sool iyo Sanaag, kaasoo ujeedooyin kala duwan lahaa, waxaa dagaalada ay dhex mareen Maamulada Puntland iyo Somaliland, sidoo kale waxaa jiray dagaalo kale oo dhex maray Maamulka Khaatumo iyo Somaliland, wana arrin soo noq-noqonaysay.
Aaga Sool iyo Sanaag ayaa waxaa isku haya maamulada Somaliland iyo Puntland oo midba midka kale uu sheeganayo inuu ka arrimiyo, iyadoo maamulka Khaatumo ee horay looga dhawaaqay deegaanadaas uu labada maamulba sheegay inuu ka madax banaan yahay ee uu iskiis u taaganyahay.
———————————
Qaranimo Online | Muqdisho
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________