663 Views

Al-Shabaab oo la wareegay degmo ka tirsan Shabeellaha dhexe

Al-Shabaab oo la wareegay degmo ka tirsan Shabeellaha dhexe
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | January 23, 2021
—Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa  waxaa la sheegay inay la wareegeen degmada Raaga-ceelle ee gobalka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Dadka degaanka qaarkood ayaa waxaa ay ku warameen in saaka aroortii hore ay Ciidamada dowladda, isaga baxeen degmada Raaga-ceelle, kadib markii ay weerar kusoo qaadeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay ku sugan yihiin duleedka degmada, kuwaas oo aan ka qeyb qaadan dagaalka ka dhacay degmada Raaga-ceelle ee gobalka Shabeellaha Dhexe.

Al-Shabaab ayaa dhankooda warar ay ku daabaceen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxaa ay ku sheegteen inay dagaal kula wareegeen degmada Raaga-ceelle ee gobalka Shabeellaha Dhexe, waxaana weli la shaacin khasaaraha ka dhashay dagaalka halkaasi ka dhacay.

Muddo hadda laga joogo Lix sano ayaa Ciidamada Dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM waxaa ay kala wareegeen degmada Raaga-ceelle dagaalamayaasha al-Shabaab, kuwaas oo Maanta lix Sano kadib dib ula wareegay.

Xaalada kacsanaan ah ayaa kajirta Maanta degmada Raaga-ceelle, waxaana dadka degmada ay sheegeen inay ka cabsi qabaan in dushooda uu ka dhaco dagaal xoogan oo khasaaro uu kasoo gaaro maadaama Ciidamada dowladda ay ku sugan yihiin meel aan ka fogeen degmada Raaga-ceelle ee gobalka Shabeellaha Dhexe.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post