819 Views

Heshiiskii London ee uu Farmaajo fulin waayay oo looga heshiiyay Villa Soomaaliya

Heshiiskii London ee uu Farmaajo fulin waayay oo looga heshiiyay Villa Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Isniin:June 13, 2022

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay qodobbada kasoo baxay shir labo maalmood socday oo ay yeesheen Golaha Wadatashiga Qaran.

Waa kulankii ugu horreeyay ee ay hoggaamiyeyaasha siyaasdada Soomaaliya isugu imaadeen tan iyo markii lasoo afjaray doorashadii xilka loogu doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirka oo socday labo maalmood ayaa laga soo saaray toddobo qodob oo aasaas u ahaa waxyaabihii looga wada hadlay.

  • Dhammastirka dastuurka qabyo-qoraalka ah
  • Hirgelnta hannaanka amniga qaranka
  • Ka shaqeynta nidaam doorasho oo dimuqraaddi ah
  • Xaqiijinta heshiis siyaasadeed iyo mid bulsho
  • In mudnaan la siiyo wadahadallada Dowladda federaalka iyo Somaliland
  • Taabba-gelinta, dardar gelinta iyo dhammaystirka hannaanka federaalka
  • Dhammaystirka hannaanka garsoorka madaxa bannaan

Qodobbada kasoo baxay shirkan ayaa horay u ahaa hiigsiga dowladihii hore ee Soomaaliya inkastoo aysan suurtagelin hirgelintooda.

Heshiiskii Amniga qaranka ee London

Arrimaha amniga ayaa iyana saldhig u ahaa howlihii ay ballan qaadday dowladdii Nabad iyo Nolol, wax guul ah oo la taaban karana lagama gaarin.

16-kii bishii April ee sanadkii 2017-kii madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada Soomaaliya ayaa London ku gaaray heshiis siyaasadeed oo salka ku haya hannaanka amniga qaranka.

Heshiiskan waxaa 8-dii bishii May ee sanadkii 2017-kii ayiday Golaha Amniga Qaranka ee Soomaaliya.

Afar qodob oo heshiiskaas hoosta looga xariiqay ayaa kala ahaa:

Tirada ay noqonayaan ciidamada amaanka Soomaaliya, militeriga iyo booliska iyo sidoo kale dabagalayaasha rayidka ahDoorka ay ciidamada amaanka Soomaaliya ku yeelanayaan heerka dowlad goboleedyadaHoggaanka taliska ciidanka amaanka Soomaaliya si loo kala caddeeyo doorarkooda iyo hay’adahooda kala duwan heer federaal iyo heer dowlad goboleedIn la caddeeyo mas’uuliyadda dhinaca canshuuraha ee ciidamada amniga heer federaal iyo heer maamul goboleed

Maxamed Cabdi Cumar oo ah khabiir falanqeeya Arrimaha Soomaaliya ayaa BBC-da u sharraxay sababta keeneysa in diiradda la saaro hirgelinta heshiiskii amniga ee London.

“Waxaa la dareemi karaa in hadda lagu degdego dib u habayn ciidanka lagu sameeyo waxaa keeneysa cabsi fara badan oo ka timid xagga ciidanka darteed. In hay’adaha qaar dib loogu noqdo sharciyadda ay ku fadhiyaan iyo awoodaha ay leeyihiin.

“Maadaama sharci la isku raacay uusan jirin, madaxweynihii imaada inuu siduu rabo u isticmaali karo ilaa sharci looga samaynayo. Ciidanki inay noqdeen mid aan sharciyad ilaalinin ee qofkii meesha fadhiya aragtidiisa iyo sida uu wax u rabo u fuliya.

“Marka taas ayaa cabsi wayn iyo khalkhal keentay, in hadda laga sii wada heshiiyo, oo dib loogu laabto oo sharciyad la isla oggol yahay loo sameeyo waa waxa ugu muhiimsan,” ayuu yiri Maxamed Cabdi Cumar

. Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post