1512 Views

Shirka Dib U Dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha Dalka Oo La Soo Xiray

Shirka Dib U Dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha Dalka Oo La Soo Xiray
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Maarso 15, 2019 –  Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta DFS Cabdi Aadan Hoosow ayaa sooxiray maanta shirka dhismaha wadooyinka isku xira gobolada dalka oo muudo saddex maalmood ah kasocday muqdisho.

Waxaa kasooqayb galay Wasiirada Hawlaha Guud ee maamul goboleedyada dalka, Madax kasocotay Bangiga Horumarinta frika, Khubaro Ingineero soomaaliyeed & Midowga Yurub.

Mudadii uu shirku socday waxaa doodo iyo latashiyo lalayeeshay Wasiirada Maamul Goboleedyada sida ugu wanaagsan uguna dhakhsaha badan ee lagu horgalin karo dhismaha wadooyinka isku xira gobolada dalka.

Ilaa afar waddo oo waawayn iskuna xira gobolada dalka ayaa ladhisidoonaa waxaana kamid ah Baladwayne – Gaalkacayo, Gaalkacayo – Garoowe, Gaalkacayo – Hobyo, Iyo Luuq Ganaane – Doolow.

Gabagabadii shirka waxaa lagu kala saxiixday heshiiska dhismaha wadooyinka wasiirka wasaaradda hawlaha guud DFS Mudane Cabdi Aadan Hoosow ayaa saxiixay waxa uuna xusay Muhiimadda ay Dowladda Soomaaliya u leedahay dhismaha Wadooyinku.

Sidoo kale Wasiir Cabdi Aadan Hoosoow waxa uu isla maanta saxiixay heshiis deeq ay dowladda talyaanigu kaga qayb qaadanayso dhismaha wadooyinka isku xira gobolada.

Waxaa uu shir laqaatay safiirka dowlada talyaaniga ee soomaaliya, madaxa haayadda horumarinta talyaaniga & bangiga horumarinta afrika.

“Waxaa halkan kamuuqanaya oo tani fariin ay u tahay sida ay dhab nooga tahay in aan wadankeen dib u dhisano oo qof walba wixii hore inta meel la iska dhigo aan usoowada jeensano sidii wadanka lagu dhisi lahaa anagoo dhan Wasiiradeena, Agaasimayaasheena & hawl wadeenada.

Wasaaradda Hawlaha Guud shaqadadeedo waxaa weeye in wadanka dib u dhisto” ayuu yiri Wasiir Hoosow gabagabdii Shirka.

 

 

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment