660 Views

Madaxweynaha Afganistan oo booqasho ku tagayo Caasimadda dalka Iran ee Tehraan

Madaxweynaha  Afganistan oo booqasho ku tagayo Caasimadda dalka Iran ee Tehraan
____________________________________________________________________________

Khamiis: August 5, 2021

Madaxweynaha dalka Afganistan, Ashraf Qaani ayaa la filayaa inuu maanta booqasho ku tago Caasimadda dalka Iran ee Tehraan, si uu uga qeyb galo Caleema-saarka Madaxweynaha cusub ee dalkaasi, Ibrahim Ra’isi.

Munaasabadda Caleema-Saarkaasi oo maanta ka dhici doonta magaalladda Tehran waxaa lagu casuumay Madax ka kala socota 73 Waddan oo ay ku jiraan 10 Madaxweyne, 20 Guddoomiyaayaal Barlamaaan iyo 11 Wasiiro Arrimo Dibadeed iyo marti kale.

Dhinac kale, Warbaahinta TOLO News ayaa shaacisay in Safarka Madaxweyne Qaani ku tagayo Iran ay ku soo beegantay iyadoo ay Kooxda Daalibaan kordhisay Gulufka colaadeed ee ay ka wadaan inta badan Goballadda dalka Afganistan.

Talaadadii la soo dhaafay, Daalibaan waxay weerareen Wasiirka Difaaca Afganistan, Bismillaahi Khaan Maxamedi, kaasi oo ka badbaaday Beegsigaasi.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post