333 Views

Wiilal dhalinyaro ah oo loo xiray toogasho ka dhacday Magaalada Gävle ee Sweden

Wiilal dhalinyaro ah oo loo xiray toogasho ka dhacday Magaalada Gävle ee Sweden
____________________________________________________________________________

Khamiis: NOVEMBER 10, 2022

Saddex wiil oo dhalinyaro ah ayaa loo xiray sabab macquul ah oo looga shakisan yahay dilka nin 25 jir ah oo Sabtidii Gävle ka dhacay, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

Wiilasha ayaa da’doodu kala tahay 15, 16 iyo 17. Midka ugu yar wiilasha ayaa horay loo ciqaabay, halka labada kalena ay yaqaaneen xiriir ay la leeyihiin dembiilaha, sida uu qoray Gefle Dagblad.

Siddeedii iyo bar habeenimo sabtidii lasoo dhaafay ayay aheyd markii booliska lagu wargaliyay dhibaatada ka dhacday xaafada Sätra. Ninkan oo 25 jir ah ayaa laga helay isagoo dhaawac ah wadada, laakiin wuxuu dhintay xilli dambe oo habeen ah.

Daqiiqado ka dib falkaasi ayaa laba ka mid ah wiilasha ay booliisku xireen. Kii saddexaad ayaa la xidhay maalintii xigtay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post