903 Views

Madaxweyne Qoor Qoor oo Caasimadda Galmudug ee dhuusamareeb kula kulmay Amb James Swan

Madaxweyne Qoor Qoor oo  Caasimadda Galmudug ee dhuusamareeb kula kulmay Amb James Swan
____________________________________________________________________________

June 16 2021

Wafdi ka socda xubnaha beesha caalamka oo uu horkacayo Wakiilka Gaarka ah ee Xoghaya guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid iyo mas’uuliyiin ka tirsan labada Gole ee Maamulka Galmudug, kuwaasi oo usii galbiyay madaxtooyada Galmudug.

Kadib imaatinka wafdigan ayaa waxaa Madaxtooyada ee magaalada Dhuusamareeb ku kulmay Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor iyo Wafdiga uu hoggaaminayo Amb, James Swan.

Kulanka ayaa looga hadlat dar-dar gelinta doorashada, ayada oo labada dhinac ay ka wada-hadleen sidii si dhaqso leh loo hirgelin lahaa howlaha doorashada, gaar ahaan mida deegaanada maamulkaas.

Sidoo kale waxaa looga hadlay kulankaan dhibaatada ka dhalatay Ayaxa oo ku habsaday degaano ka tirsan Galmudug iyo Arrimo kale.

Socdaalka Wafdiga ayaa qeyb ka ah u kuur-gelida xaaladaha ka jira gobollada dhexe, gaar ahaan Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Waxaa aad loo adkeeyay amaanka magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, ayada oo ciidamo dheeraad ah la dhigay waddooyinka qaar ee magaalada, si loo xoojiyo amniga caasimada oo ay ku sugan yihiin wafdi heer sarre ah.

Si kastaba, Kulankaan ayaa imanaya xili ay haatan Soomaaliya isku diyaarineyso doorasho guud oo isugu jirto tan baarlamaanka iyo mida madaxweynaha, taas oo heshiis rasmi ah looga gaaray magaalada Muqdisho.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post