282 Views

Baaq loo jeediyay maamulka Koonfur Galbeed iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah

Baaq loo jeediyay maamulka Koonfur Galbeed iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah
____________________________________________________________________________

Sabti: DECEMBER 24, 2022

Siyaasiyiin hore xilal muhiim ah uga qabtay dowladda Soomaaliya ayaa wada hadal ugu baaqat ugu baaqay maamulka koofur galbeed iyo siyaasiyiinta uu khilaafku Siyaasadeed ka dhaxeeyo .

Khilaafkaas ayaasababay iska hor imaad iyo dagaal ka dhacay magaalada Baydhabo oo ay ku dhinteen dad

Siyaasiyiinta baaqan soo saaray ayaa kala :

Sheekh Shariif Sheekh Axmed , Madaxweynihii hore ee Soomalaiya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre– Ra’iiul wasaarihii hore ee Soomaaliya Iyo Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas oo isna ka mid ra’iisul wasaareyaashii soo maray Soomaaliya.

Siyaasiyiintaas ayaa baaqoooda ku sheegay in xilligan Soomaaliya ay dagaal kula jirto Al-Shabaab ayna nasiib darro tahay sida ay yiraahdeen in dalka soomaaliya uu manta ka dhaco dagaal aan ahayn kan lagula jiro Al-Shabaab.

Waxayna tacsi u direen dadkii ku dhintay iyagoo caafimaadqab Ilaah ug baryeyy intii kale ee ku dhaawacaantay .

Waxay ugu baaqeen dhammaan siyaasiyiinta iyo maamulka Koonfur Galbeedin dhabbaha wadahadalka la qaado laguna qanco in Koonfur Galbeed laga hirgaliyo doorasho la isla oggol yahay.

Shaley ayay aheyd markii dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay waxa ay ku sheegtay inay ka xun tahay shaqaaqooyin gacan ka hadal ah oo ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee SONNA.

\Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post