525 Views

Dowladda Itoobiya oo xabsiga dhigtay madaxii hay’adda gargaarka dalkaas

Dowladda Itoobiya oo xabsiga dhigtay madaxii hay’adda gargaarka dalkaas
____________________________________________________________________________


Arbaco: July 13, 2022

 Booliiska dalka Itoobiya ayaa sheegay in madaxii hay’adda gargaarka ee dowladda dalkaasi la xiray kadib markii lagu eedeeyay musuqmaasuq.

Mitiku Kassa ayaa lagu eedeeyay in uu hay’ad bini’aadantinimo kala shaqeeyay iibinta raashinka gargaarka ah iyo dharka loo qoondeeyay dadka barakacayaasha ah si ay hanti ugu iibsadaan.

Wali si cad ugama aanu jawaabin eedaymahaas. Mr Mitiku ayaa sanadihii ugu dambeeyay caan ku ahaa sidii uu wadanku taageero ugu fidin lahaa malaayiin Itoobiyaan ah oo lagu qasbay in ay ka cararaan qalalaasaha qowmiyadaha iyo dagaalada sokeeye.

Colaadda iyo abaarta awgeed QM waxay sheegtay in lix iyo labaatan milyan oo qof – qiyaastii rubuc ka mid ah dadka Itoobiya – ay u baahan yihiin gargaar cunto oo degdeg ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post