312 Views

Dabaaldegyo ka dhashay magaalo ay dib ula wareegeen ciidamada Ukraine oo wali ka socda dalkaas

Dabaaldegyo ka dhashay magaalo ay dib ula wareegeen ciidamada Ukraine oo wali ka socda dalkaas
____________________________________________________________________________

Axad: NOVEMBER 13, 2022

idamada Ukraine ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Kherson kadib markii ciidamada Ruushka ay sheegeen inay isaga baxeen magaaladan muhiimka ah ee ku taalla koonfurta dalkaaas.

Muuqaallo la baahiyay ayaa muujinayay shacabka oo dabaaldegyo ka dhigaya waddooyinka , waxay isug soo baxeen farasmagaalaha habeennimadii iyaga oo ku heesaya heeso waddani ah, xilli ay soo dhaweynayeen ciidamada Ukraine oo soo galay magaalada.

Guddoomiye gobol ayaa dhanka kale isna sheegay in dhanka galbeedka ee wabiga Dnipro ay ku soo noqotay gacanta dawladda Ukraine, kaddib bixitaankii ciidammadii Ruushka.

Kherson waxay ahayd magaalada madaxda gobolka kaliya ee Ruushku qabsaday ka dib duulaankii uu ku qaaday Ukraine.

Dib u gurashada Ruushka ayaa loo arkay dib u dhacaa ugu weynaa ee lasoo darsay ciidamada Putin.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post