3189 Views

Laamaha Amniga Beledweyne oo xiray Kaaliyihii Maxkamadda Gobolka Hiiraan

Laamaha Amniga Beledweyne oo xiray Kaaliyihii Maxkamadda Gobolka Hiiraan
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 27da Maarso, 2021–Ciidamada Ammaanka Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay maanta xireen Cabdifitaax Xaashi Cismaan oo kamid ah Kaaliyayaasha Maxkamadda Madaniga ee gobolka Hiiraan.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya xariga Kaaliyaha Maxkamadda Gobolka Hiiraan, balse Ciidamo ka tirsan Booliska Beledweyne ayaa kasoo kaxeeyay Maqaayad Shaaha laga cabo, iyaga oo ku xiray Saldhiga Booliska Magalada Beledweyne.

In kastoo laamaha amniga aysan faah fahin ka bixin sababha loo xiray Kaaliyihii Maxkamadda Gobolka Hiiraan ayaa hadana waxaa maalmihii la soo dhaafay  uu khilaaf ka dhexjiray qeyb kamid ah madaxda Maxkamadda madaniga gobolka Hiiraan ugu sareeysa.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa siweyn  khilaafkaas looga dareemay magaalada Beledweyne, waxaana shalay warqad kasoo baxday xafiiska Guddoomiyaha Maxkamadda Rayodka Gobolka Hiiraan Cabdiraxiin Muxumed taakoy  Shaqada looga joojiyay Kaaliyihii  Maxkamadda Cabdifataax Xaashi Cismaan ee Manta la xiray.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in uu jiro dadaalo ay wadaan mas’uuliyiinta Maamulka gobolka Hiiran, taas oo ku aadan in la xaliyo khilaafka ka dhex-jira Maxkamadda Rayidka ee Gobolka Hiiraan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post