900 Views

Maamulka Gobolka Hiiraan oo ka hadlay dagaal ka dhacay degaanka Halgan

Maamulka Gobolka Hiiraan oo ka hadlay dagaal ka dhacay degaanka Halgan
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 15  2020–Dagaalkaan oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa uu xalay ka dhacay degaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan,waxaana uu u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda & kuwa Itoobiya ee ku sugan degaankaas oo dhinac ah iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa uu yimid,kadib markii Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhiga Ciidamada Dowladda & kuwa Itoobiya ,waxaana dadka degaankaas ay sheegeen in uu halkaasi ka dhacay dagaal socday in ka badan saacad.

Guddoomiyaha deegaanka Halgan Maxamed Guhaad Cabdi oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in ciidamadu ay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac gaarsiiyeen Al-shabaab oo doonayay in ay weerar gaadmo ah ku qaadan deegaanka, si ay wax yeelo u geystaan balse Ciidamadu ay ka hortageen.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadu saaka ay wadaan howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ka socda qaar kamid ah deegaannada gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in khasaaraha rasmiga ah ay gaarsiiyeen Al-Shabaab ay sheegi doonaan saacadaha soo socda maadaama hadda wali ay wadaan howlgallo kala duwan oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post