24 Views

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ku dhowaaqay hindise lagu casriyaynayo howlaha Wasaaradda

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ku dhowaaqay hindise lagu casriyaynayo howlaha Wasaaradda
____________________________________________________________________________

Muqdisho – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga XFS, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta shir-guddoomiyay kulan ay iskugu yimaadaan Xoghayaha Joogtada iyo Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda oo diiradda lagu saaray isbedello istiraatiijiyadeed oo ujeedkeedu yahay hagaajinta iyo dardargelinta shaqada.

Wasiir Fiqi ayaa faray howl wadeennada fulinta qorsheyaal hiigsi leh oo dib loogu habeynayo arkiifiyada iyo adeegyada qunsuliyadeed, iyadoo ujeeddadu tahay casriyaynta iyo ka dhigidda “degital” nambar iyo tixraac leh.

Mudane Fiqi ayaa caddeeyay muhiimadda ay leedahay xiriirka labo geesoodka iyo midka dhinacyada badan, wuxuuna qeexay istiraatiiyado lagu xoojinayo xiriirada siyaasadeed, amni, dhaqaale iyo bulsho, iyadoo la unkayo feylal dhammaystiran oo u samaysan hab juquraafi ah.

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa ku nuux-nuuxsaday muhiimadda ay leedahay in si la hubo loo keydiyo dukumiintiyada iyo natiijooyinka ka soo baxa shirarka iyo wada hadallada dibadda si loo raad-raaco, loona fuliyo.

Wasiirka ayaa dhiirri geliyay hal-abuurka iyo wax-soo-saarka howl wadeennada wasaaradda, isagoo sheegay in ay yihiin tiirar lama-huraan ah oo lagu gaaro guulo diblamaasiyadeed, ayna xoojinayaan sumcadda Soomaaliya ee dhanka caalamka.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post