1149 Views

Wariye lagu xiray Magaalada Beledweyne

Wariye lagu xiray Magaalada Beledweyne
____________________________________________________________________________

Ciidamada Ammaanka Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay Maanta xireen Wariye Xuseen Cabdi Jimcaale (Diini)oo kamid ah Wariyeyaasha ka howlgalla Magaalada Bledweyne.
Wariyaha oo ah Wakiil wareedka Tv-ga RTN ee Magalada Beledweyne ayaa wararka la helay waxaa ay sheegayaan in  amarka lagu xiray ay bixiyeen Madaxda sare ee Hir-Shabeelle eek u sugan magaalada Beledweyne.

Xogaha la helay ayaa sheegaya in sababaha loo xiray Wariye Xuseen Cabdi Jimcaale (Diini) ay tahay warbixin uu baahiyay shalay oo ay hadlayeen dhallinyaro kamid ah Golaha la magac baxday kacdoonka Go bolka Hiiraan, kuwaasi oo ka careesnaa Wasiirro ka tirsan Hir-Shabeelle oo shalay Beledweyne  gaaray.
Qaar kamid ah Wariyeyaasha ka howlgalla Magalada Beledweyne ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin xariga, waxaana uu kusoo aadayaa xilli xalay ilaa Maanta magaalada Beledwyene laga dareemayay xiisad dagaal oo u dhaxeeysa Ciidamada ammaanka iyo kuwa uu hoggaamiyo Janeraal Xuud oo siwyen uga soo horjeeda Maamulka Hir-Shabeelle.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post