1356 Views

Aqalka Sare Oo Ka Hadlay Guddoomiyaha Cusub Ee Loo Doortay Baarlamaanka Puntland

Aqalka Sare Oo Ka Hadlay Guddoomiyaha Cusub Ee Loo Doortay Baarlamaanka Puntland
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Jan 04 2019 —Guddoomiyaha Aqalka sare ee Dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane, Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa u hambalyeeyay C/kariin Maxamed Axmed (Dhoobo-daareed) oo loo doortay Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland.

Mudane, Cabdi Xaashi, ayaa Guddoomiyaha cusub u rajeeyay guul, wuxuuna Alle uga baryay inuu xilkiisa ku dhammaysto wanaag, isagoo ugu baaqay inuu ka shaqeeyo sidii uu isugu dumi lahaa Dadka uu matalo.

C/kariin Maxamed Axmed (Dhoobo-daareed) ayaa helay codad gaaraya 43, halka murashixii la tartamayay ee Cabdi Jamaal Cusmaan Maxamed uu helay 23 Cod, waxaana imminka socda doorashada ku xigeennadiisa.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment