1017 Views

Wasiirka Federaalka Pakistan oo kula taliyay shacabka reer Pakistan inay iska yareen cuntada ay cunayaan.

Wasiirka Federaalka Pakistan oo kula taliyay shacabka reer Pakistan inay iska yareen cuntada ay cunayaan.
____________________________________________________________________________

isniin: October 11, 202

Wasiirka Federaalka Arrimaha Kashmir ee dhanka ay maamusho Pakistan Cali Amiin Gandapur, ayaa kula taliyay shacabka reer Pakistan inay iska yareen cuntada ay cunayaan.

Wasiirka ayaa khudbad uu ka jeedinayay kulan ka dhacay Kashmir dhanka ay maamusho Pakistan ku sheegay in xaaladda sicir bararka ay aad u sii kordhaysa.

Waxa uu sheegay in haddii qofka uu cuno wax ka yar intii uu horay u cuni jiray ay dalka ka badbaadin ka karto xaaladda sicir bararka ee hadda ku jiro.

“Miyaynaan intaas oo kaliye u huri karin dalkeenna, isku-tiirsanaanteena ayaa wax walba ka weyn?” ayuu yiri.

Dadka isticmaala baraha bulshada ayaa hadalka wasiirka aad u dhalleeceeyay iyaga oo aad u faafinayay muuqaal la duubay xilli uu wasiirka khudbad jeedinayay.

Hase yeeshe, ma ahan markii ugu horreysay ee wasiirada dadka ku booriyaann talo sidaan oo kale ah oo waxaa goor aan fogeyn sida uu haatan ku taliyay Amiin oo kale dadka ku boorriyay Riyaz Fatyana oo ah xubin ka tirsan xisbiga NA ee haya talada dalka Pakistan.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post