1077 Views

Puntland oo markale xirtay Siyaasi Caan ah oo dhaliilay

Puntland oo markale xirtay Siyaasi Caan ah oo dhaliilay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December  02- 2019–Wararka laga helayo Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay shegayaan in Ciidamada Amniga gobolka Bari ay Xabsiga dhigeen Siyaasiga Dr. Muuse Cali Jaamac oo horay mar Puntland u xirtay.

 

Siyaasiga iyo Odayaal kale ayaa Jimciii la soo dhaafay waxaa ay dhaliilo kala duwan u jeediyeen xukuumadda Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uu hoggaamiyo,waxaana xalay uu ku hoyday Xabsiga Magaalada Boosaaso,sida ay i noo xaqiijiyeen dad ku sugan Boosaaso.

 

 

 

Siyaasi Muuse Cali Jaamac waa markii labaad oo ay xiraan Ciidamada Amniga gobolka Bari,waxaana 13 October ee sannadkan sidaan oo kale  Boosaaso loogu xiray Siyaasi Muuse Cali Jaamac, hayeeshee saddex Cisho kadib lagu sii daayey cafis-maxkamadeed.

 

Odayaasha iyo Siyaasiyiinta Gobolka Bari ee Xabsiga la dhigay ayaa waxaa ay xukuumadda Madaxweyne Deni ku eedeeyeen in shirkado laga leeyahay Imaaraadka Carabta ku wareejisay garoonka diyaaradaha Boosaaso, wakaaladda Xoogga Korontada ENEEYE iyo Maxjarka Xoolaha.

 

Xafiiska WArarka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment