501 Views

Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland oo amray in shaqaalaha Ajaaniibta ah is diiwaangeliyaan.

Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland oo amray in shaqaalaha Ajaaniibta ah is diiwaangeliyaan.
____________________________________________________________________________


Talaado: December 14, 2021

Maamulka Gobolka Mudug ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa soo saaray Amar ku socda dhamaan Shaqaalaha Ajnabiga ah ee ka howlgalla degaannada Gobolkaas qeybta ay ka maamusho Puntland.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Abdiladiif Muuse Nuur ayaa lagu amray mas’uuliyiinta Xarumaha waxbarashada, Caafimaadka, Goobaha Ganacsiga, Madaxa laanta socdaalka ee Gobolka Mudug isuduwaha Shaqada & Shaqaalaha Gobolka Mudug in mudada loo qabtay Diiwaan galinta Shaqaalahooda Ajaanibta ah ee ka shaqeeya Xarumahooda u hogaansamaan ama  tillaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono dibna loogu celinayo Wadamadooda.

Dhamaan Madaxda Xarumaha la soo sheegay ayaa la wargeliyay in Ajaaniibta ee u shaqeeya ka soo diiwaangeliyaan xafiska wasaaradda
shaqada iyo shaqaalaha ee gobolka mudug ugu danbayn 30 December 2021.

” Iyada oo la xaqijinayo u hogganaansanaanta sharci ee ajaanibta gobolkan mudug ka
hawlgasha, lana fulinaayo siyaasadda dawladda ee ku wajahan hirgelinta shuruucda dadka ajaaniibta ah ee gobolka ka shaqeeya, waxaa lagu wargelinayaa dhammaan shirkadaha ganacsiga gaarka loo leeyahay, xarumaha caafimaadka, waxbarashada gaarka loo leeyahay iyo shirkadaha dhismaha inay shaqaalaha ajaaniibta ee u shaqeeya ka soo diwaangeliyaan xafiska wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha ee

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post