789 Views

Xasan skekh Maxamuud “Madaxweynaha waqtiga waxa uu ka dhammaaday marka uu ku dhawaaqay in uu yahay murashax ayaan isku imaan karnaa

Xasan skekh Maxamuud “Madaxweynaha waqtiga waxa uu ka dhammaaday marka uu ku dhawaaqay in uu yahay murashax ayaan isku imaan karnaa
____________________________________________________________________________

3-da Marso, 2021

Madaxweynihii hore ee Somaliya ahna Musharrax madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka mid ah midowga musharraxiinta ayaa si kulul eeda dusha kaga tuuray madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).

Xasan shekh ayaa ku tilmaamay farmaajo shaqsi ku fashilmay Hogaanka dalka oo waqtigiisa dhamaaday, waxa uuna sheegay in sharci daro uu ku sii faanayo xiligaan oo Xukuumada ay tahay Xil gaarsiin oo kaliya, balse farmaajo Waqtiga uu ka dhamaaday.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaacay in madaxweynaha uusan noqon karin xil-gaarsiiye, sida xukuumadda oo kale, wuxuuna tilmaamay inuu ka dhammaaday waqtiga xil-heynta.

 “Madaxweynaha waqtiga waxa uu ka dhammaaday marka uu ku dhawaaqay in uu yahay murashax, meel aan ku iri ma jirto & waxbaa laga sheeeg-sheega balse waad taqaaniin oo hadda kahor waan sheegay sida ruuxaanta ayuu dadka uga dhex hadlaa Madaxweynahu, xaqna uma lahan in uu sii wado howlaha Amniga & Doorashada,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale Dhinaca kale madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inuu dhacayo dibad-baxa abaabulayaan musharraxiinta, islamarkaana uu qabsoomayo Sabtida.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post