1389 Views

Dhismihii Derbiga Kenya Ka Dhisaysay Xuduudka Oo Qeyb Ka Mid Ah La Burburiyey

Dhismihii Derbiga Kenya Ka Dhisaysay Xuduudka Oo Qeyb Ka Mid Ah La Burburiyey
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  Abriil 28, 2019 —Dadweyne caraysan oo ku nool Degmadda Beled-xaawo ee Gobalka Gedo ayaa la sheegay inay cagtaa mariyeen Derbigaasi, isla markaana burburiyey derbiga ay Dowladda Kenya xayndaabka uga dhigtay xuduudka ay Somalia la wadaagaan.

Weybsaytka Wakaalladda Wararka Kenya  ayaa lagu qoray inay Reer Buulo-xaawo burburiyeen Derbigaasi, iyagoo sheegay inuu faragelin ku hayey nolosha Bulshadooda.

Dadka deggan Buulo-xaawo waxay jareen Siliga lagu xiray Xayndaabka Derbiga, iyadoo ay Boliska Kenya rasaas hawada u ganeen, si ay dadka u kala cayriyaan.

Taliyaha Gobalka Mandera, Kutswa Olaka oo ah Guddoomiyaha Hawlgalladda Ammaanka ee Gobalkaasi waa uu ka gaabsaday inuu ka hadlo Derbiga Ammaanka ee laga dhisayo Xuduudka, wuxuuna Weriyayaasha u sheegay inay arrimahaasi ka wareystaan Ciiddanka Milliteriga Kenya ee KDF.

Muwaadiniinta Soomaalida ee deggan inta u dhexeysa Degmadda Buulo-xaawo iyo Mandhera waxay ka soo horjeedeen Mashruuca Dhismaha derbigaasi, iyadoo ay Ciiddanka Kenya calaamadeeyey ugu yaraan 64 guri, si loo burburiyo.

 

Bishii la so odhaafay, Barlamaanka dalkaasi waxay ka codsadeen Baarayaasha inay dib u eegis ku sameeyaan qaabka kharaj dhan 3.4Billion oo Shillinka Kenya loo adeegsaday dhismaha 10-KM oo ka mid ah Dhismaha Derbiga Xuduudka.

 

Dowladda Kenya waxay bishii April ee sannadkii 2015-kii ansixiyeen in Derbigaasi laga dhiso masaafo dhan 400 oo KM oo ku teedsan dhulka xuduudka ee u dhexeeya Kenya iyo Somalia.

Derbigaasi ayaa la sheegay in looga hor tegi doono weeraradda ay Alshabaab ka geystaan gudaha Kenya iyo in laga hortago Dhaqdhaqaaqa Ddaka iyo Ganacsiga u kala gudba laba dhinac ee Xuduudka.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment