4896 Views

Soomaali tahriib ah oo Masar ku xiran

Soomaali tahriib ah oo Masar ku xiran
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 28, 2016Dhalin-yaradaan oo tiradooda ay gaaraysa 180 ruux ayaa doonayay inay ka tahriibaan  xeebaha  Wadanka  Masar, ayagoo ku sii jeeday Wadamada Yurub, waxaana ciidamada amniga  ee dalka Masar ay ka soo qabteen xeebaha dalkaasi, xilli ay ku guda jireen howlo tahriib ah.Dadkaas la soo qabtay ayaa waxaa ay isgu jiraan Soomaali,  Eretria iyo Sudan

Cumar Suufi Cabdullahi oo ka mid ah  dadka  ku xiran   xabsiga  Buxayra ee Wadanka  Masar ayaa  Radio Muqdisho  u sheegay in ay ku xiranyihiin xabsi 20 km u jirta magaalada Alexandria ee dalka Masar, isla markaana la soo qabtay 20-ka bisha 3aad ee sanadkan.

“Dad badan ayaan ku nahay xabsiga, waxaana nagala soo qabtay meel ka mid xeebaha dalka, xilli aan sugeynay in nala saaro doon, runtii dadka intooda badan waa la sii daayay, gaar ahaan kuwii heystay sharciga qaxootinimo ee UN-ka” ayuu yiri Cumar Suufi.

Cumar ayaa xusay in 101 qof oo ka mid ah dadkii laga sii daayay xabsiga ay 70 ka mid ah ku dhinteen badda oo ay ka mid ahaayeen tahriibayaashii dhawaan doonta kula qalibmatay badda u dhexeysa Talyaaniga iyo Masar.

Cumar Suufi oo ka mid ah dadka iminka ku haray xabsiga ayaa dowladda ka codsaday in laga sii daayo xabsiga, maadaama ay ku heyso dhibaatooyin badan oo xagga nolosha ah, cid ka warqabtana aysan jirin.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment