933 Views

Shir u dhaxeeyey xubno ka socda DFS & Dowlad Goboleedyada oo la soo geba-gabeeyey

Shir u dhaxeeyey xubno ka socda DFS & Dowlad Goboleedyada oo la soo geba-gabeeyey
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 19, 2019–Shirka ka-tashiga Hindise -Sharciyadeedka Shirkadaha dalka oo u dhaxeeya Guddiga Maaliyadda iyo Dhaqaalaha Golaha Aqalka Sare iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa lagu soo gebagabeeyay Magaalada Garoowe ee Xurunta Dowlad Goboleedka Puntland,kaas oo socday mudo laba maalin ah.

 

Shirka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Guddiga Maaliyadda iyo Dhaqaalaha Golaha Aqalka Sare,Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya,Wasiiradda dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaliya,qaar ka mid ah Xildhibaanada Dowlad Goboleedyada iyo Xubna kale.

 

 

 

Ujeedada kulanka  ayaa ahaa Dhageysiga talooyinka Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaliya ee ku aadan Hidise Sharciyadeedka Shirkadaha kaas oo Horyaalla Golaha Aqalka Sare.

 

Gebagabada Shirka Wada-tashiga ee u dhaxeeyay Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaliya, Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Guddiga Maaliyadda iyo Dhaqaalaha Golaha Aqalka Sare ayaa Waxaa ka soo baxay War-murtiyadeed.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment