618 Views

Madaxweynaha Puntland Oo Digniin Adag udiray Saraakiisha Ciidamada.

Madaxweynaha Puntland Oo Digniin Adag udiray Saraakiisha Ciidamada.
____________________________________________________________________________


Sabti: September 11, 2021

Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa uga digay guud ahaan laamaha Amniga ee ka howlgalla degaanada maamulka Puntland iyo sidoo kale qeybaha kale ee dalkaba in ay ka digtoonaadaan in ay ku milmaan Arrimaha Siyaasadda.

Waxaa uu sheegay in laamaha Amniga laga doonaayo in ay qeyb ka noqdaan xaqiijinta goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka balse aysan u kala safan Karin dadka Musharaxiinta ah ee doonaya kuraasta labada Aqal.

Deni ayaa soo jeediyay in dalka uu gali karo xaalad halis ah haddii laamaha Amniga ay faragaliyaan arrimaha siyaasadda ayna meesha ka baxayso kaalintii dhexdhexaadnimada iyo ciidanimada.

“Ciidamada waxaan uga digay inay ku milmaan Siyaasadda” Hadalkan ayuu kasheegay madaxweynaha munaasibad uu ku dalacsiiyey ciidamadii ka shaqeeyey nabadgelyada gobolka Mudug.

Horaya aya qaar ka mid ah Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya ay ugu eedeeyeen ciidanka dowladda Soomaaliya in ay faragalin ay ku sameeyeen arrimaha Siyaasadda Soomaaliya ayna la safteen Madaxweynaha muddo xileedkiiso dhamaaday

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post