1128 Views

Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug Oo Ka Hadlay Xaalada Gobolada Sool Iyo Sanaag

Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug Oo Ka Hadlay Xaalada Gobolada Sool Iyo Sanaag
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 06,, 2019  –Maxamed Xaashi Cabdi Carabey Madaxweyne kuxigeenka dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa uu ka hadlay xaalada ka taagan Gobolada Sool iyo Sanaag ee u dhexeeysa maamulada Puntland iyo Somaliland.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa war qoraal ah uu soo dhigay bartiisa Facebook uu ku leeyahay uga hadlay arrinaas,isla markaana wuxuu dowladda Federaalka Soomaalia ugu baaqay inay hoos u eegto waxa ka dhacaya Gobolada Sool iyo  Sanaag.

“Dowlada Soomaaliya Waa inay Hoos u eegtaa waxa ka dhacaya Gobolada Sool iyo  Sanaag”ayuu yiri Maxamed Xaashi Cabdi Carabey.

 

Gobolada Sool iyo Sanaag ayaa waxaa ku muransan maamulada Puntland iyo Somaliland,isla markaana waxaa ka taagan Colaad u dhexeeysa labada dhinac,taasi oo ku aadan khilaafka xuduudaha.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment