1281 Views

Dad lagu tuhmay taageerida Kooxda TPLF oo lagu xirxiray Magaalada Jigjiga

Dad lagu tuhmay  taageerida  Kooxda TPLF oo lagu xirxiray Magaalada Jigjiga
____________________________________________________________________________

Jimco: july 23 2021

Dad lagu tuhmay inay taageeraan Kooxda TPLF ee ka dagaalanta gobolka Tigray ee dalka Itoobiya ayaa lagu xirxiray Magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad degaanka Soomaalida.

Booliska degaanka ayaa shaaciyey iney xabsiga dhigeen 28 qof oo looga shakiyay inay taageerayeen Kooxda TPLF oo dagaalka kula jirta Ciidamada Federaalka Itoobiya.

Taliyaha Booliska degaanka Soomaalida Maxamed Yare ayaa Warbaahinta uu sheegay in sidoo kale gacanta lagu dhigay hantidii ay lahaayeen dadkaas oo la tuhunsan yahay inay ku maalgalinayeen TPLF ama ay horayba uga dhaceen shacabka degaanka xiligii taliskii TPLF uu Itoobiya maamulayey.

Itoobiya ayaa dagaal adag kula jirtaa Kooxda TPLF ee ku sugan Gobolka Tigray ee Waqooyiga Itoobiya oo dhowaan dib u qabsatay

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post