muqdisho | QOL | Ogoosto 29, 2019 –Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan dalka Itoobiya ayaa ka qayb galay kulan casho sharaf ah oo uu u sameeyey Madaxweynaha Oromada ee dalka Itoobiya Mr. Shimelis
Kulankan Casho sharafta ah ee uu Madaxweynaha Oromada u sameeyey Madaxweynaha Puntland ayaa ka qabsoomay caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, waxaana looga wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga ganacsiga ee labada dhinac.
Kulanka Madaxweynaha Maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Oromada ee dalka Itoobiya Shimelis ayaa kusoo dhammaaday guul,sida lagu sheegay War-Saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Puntland.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
______________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________