1515 Views

Akhriso:-Waqtiga La Aasi Doono Madixii Shirkadda DP World Ee Lagu Dilay Boosaaso

Akhriso:-Waqtiga La Aasi Doono Madixii Shirkadda DP World Ee Lagu Dilay Boosaaso
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | February 17, 2019–Madixii  Hawlgalladda ee Shirkadda O & P ports ee shaqo-wadaagta yihiin  Shirkadda DP World ee maamusha Dekedda magaalladda Bosaaso, Paul Anthony Ramosa ayaa la filayaa in berri subax lagu aaso magaalladda Marsakaba ee dalka uu u dhashay ee Malta.

Hadal ka soo baxay Qoyskiisa ayaa lagu sheegay in maydkiisa  Khamiistii hore la geeyey dalka Malta, si loogu aaso.

Qoyska waxay u mahad celiyeen Warbaahinadda  sida ay u xushmeeyeen Arrimaha Khaaska ee Qoyskiisa muddadii ay ku jireen xilligan adag, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Paul Anthony Ramosa waxaa bishan 4-di ilagu dilay meel ku dhow Dekedda magaalladda Bosaaso ee Gobalka Bari.

Xarakadda Alshabaab ayaa sheegtay inay ka dambeeyeen dilkiisa, iyagoo ku eedeeyey inuu si sharci-darro ah ku joogay dalka Somalia.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment