1098 Views

Muwaadiniin u dhalatay dalka Bangladesh oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday shil gaari ka dhacay Somaliland

Muwaadiniin u dhalatay dalka Bangladesh oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday shil gaari ka dhacay Somaliland
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 25, 2019–Laba muwaadin oo u dhalatay dalka Bangladesh ayaa ku geeriyootay, halka Afar kale ay ku dhaawacmeen, kadib markii gaarii ay la socdeen xubnahan uu Shil ku galay inta u dhaxeysa Hargeysa iyo Berbera, gaar ahaan meel ku dhaw Degmada Dacar Budhuq.

Shilka ayaa waxaa sidoo kale ku dhintay laba qof oo Soomaali ah, halka ay ku dhaawacmeen lix ruux oo kale.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliland Faysal Xiis ayaa sheegay inay shilka kadib xarumaha Caafimaadka ula carareen dadka dhibanayaasha ah, kuwaasoo xaaaldooda Caafimaad lala tacaalayo.

“Shilkaasi waxaa sababay darawalkii gaariga waday, Afar qof ayaa ku dhimatay oo laba Bangaladhesh u dhalatay, labana Somaliland yihiin, waxaa kale oo ku dhaawacmay 10 ruux oo Afar Bangaladesh yihiin lixna Somali, durbadiiba Ciidamada Booliska ayaa u gurmaday Shilkaasi”ayuu yiri Faysal Xiis.

Dhimashada ugu badan ee ka dhacda deegaanada Somaliland ayaa sabab u noqota shilalka gaadiidka oo loo sababeeyo wadayaasha Gaadiidka oo xawaare sare ku socda iyo bur bur ka jira waddooyinka qaar ee Somalialnd.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment