681 Views

Ciidamada booliska magaalada Beledweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan oo Xir xiray dhalinyaro..

Ciidamada booliska magaalada Beledweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan oo Xir xiray dhalinyaro..
____________________________________________________________________________

Ciidamada booliska magaalada Beledweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan waxa ay xireen Saddex qof oo kamid ah dhalinyarada magaalada Baledweyne.

Dhalinyarada la xiray ayaa shalay waxaa ay Beledweyne uga qeyb galeen shir dhalinyaradu ku yeesheen magaalada oo looga hadlay arimaha dhalinyarada kaga aadan siyaasada iyo hormarinta degaanka, waxaana dhalinyarada saddexda ah mid kamid ah tahay haweeneey.

Laamaha ammaanka Magaalada Beledweyne weli wax faah faahin ah kama bixin sababaha keenay in dhalinyarada la xiro, hase yeeshee wararka qaar ayaa waxaa ay sheegene in ay sababtu tahay ka qeyb-galka shirkii ka dhacay Beledweyne.

Ciidamada Booliska Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa horay waxaa ay u xir xireen dad isugu jira dhalinyaro iyo ganacsato kuwaas oo taageero u muujiyay Janeraal Xuud oo kasoo horjeeda habka loo dhisay maamulka cusub ee Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post