729 Views

Maraykanka oo war Kasoo saaray Duqayn uu ka Fuliyay Gudaha Soomaaliya

Maraykanka oo war Kasoo saaray Duqayn uu ka Fuliyay Gudaha Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Axad: May 8, 2022

Dowladda Mareynkanka ayaa warbixin cusub kasoo saartay duqeymaha dhanka cirka ah ee ay ka fuliso gudaha dalka Soomaaliya, taas oo lagu beegsado dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in ay yaraatay warbixinnada khasaaraha dadka rayidka ah ka soo gaara weeraradaasi, kadib markii hoos loo dhigay adeegsiga duqeymaha.

Warbixintii u dambeysay ee kasoo baxday AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in taliska uusan wax warbixin ah soo saarin in ka badan muddo hal sano ah.

“Saddexdii bilood ee u dambeeyay warbixintii qiimaynta khasaaraha rayidka, Taliska Mareykanka ee Afrika ma helin warbixinno cusub oo ku saabsan khasaaraha rayidka, mana jiraan wax qiimayn ah oo furan ama dib u eegis lagu samaynayo hadda,” ayuu yiri talisku.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post