2622 Views

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo amar dul-dhigay Golihiisa Wasiirada

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo amar dul-dhigay Golihiisa Wasiirada
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 14, 2018 – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ku amray golihiisa Wasiirada inaysan heshiisyo Caalami ah gelin, iyada oo aan lala socodsiin Garyaqaanka guud ee Qaranka iyo ama Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Kulankii shalay ee golaha Wasiirada ayaa lagu soo bandhigay dhibaatooyin dhaqaale oo ka dhashay heshiisyo ay galeen dawladihii hore, waxaana dood dheer kadib golohu isku raacay in qorshaha lagu saxiixayo heshiisyada caalamiga ah la ogaysiiyo garyaqaanka guud iyo Ra’iisul Wasaaraha si looga fogaado dhibaatooyin kale oo laga dhaxlo heshiisyo dawladdu gasho.

Wasiiru-dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdullaahi Xaamud ayaa sheegay in Golaha Wasiirada lagu amray inaysan gelin heshiisyo aan la soo marsiin garyaqaanka guud iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Dowladihii hore ee dalka soo marey ayaa waxaa Golaha Wasiirada waxa ay geli jireen heshiisyo Caalami ah oo qaarkood aysan la ogeyn Madaxda ugu sareysa dalka waxaana taasi ay sababtay dhibaatooyin dhaqaale oo xukuumadda Soomaaliya ay soo bandhigtay.

 

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment