891 Views

Dowladda oo shuruud ku xirtay in dalka lagu soo celiyo Somalida ku xayiran Kenya

Dowladda oo shuruud ku xirtay in dalka lagu soo celiyo Somalida ku xayiran Kenya
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 13 2020–War kasoo baxay Safaarada Soomaaliya ee dalka kenya ayaa waxaa la ogeysiiyay dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas ee doonaya inay dalkoda kusoo laabtaan in Shirkadda Diyaaradaha ee Daallo Airline ay u jari doonto Tikityadii ay ku laaban lahaayeen,hayeeshee shuruud lagu xiray in dadkaasi dib loogu soo celiyo Soomaaliya.

Safaarada ayaa Warka kasoo baxay waxaa lagu sheegay in qof walba ee soomaali ah ee doonaya i uu dib ugu laabto dalkiisa looga baahan yahay in uu iska baaro Cudurka COVID-19 oo kiisas kamid ah laga diiwaan geliyay Soomaaliya iyo Kenya intaba.

Qof kasta oo safraya waa in uu iska baaraa cudurka COVID-19, kaliya dadka laga waayo cudurkaas ayaa la qaadi doonaa. Sidoo kale dadku waa in ay haystaan Tikitka diyaaradda ugu dambayn 17ka May, 2020ka oo ah maalinta ugu dambaysa is-diiwaan gelinta ayaa lagu yiri”Warka safaaradda.

Ugu dambeyn Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa sheegtay in Safaaradda doorkeeda kaliya uu yahay in dadka dalka dib loogu celinayo ay u ogolaato inay Soomaaliya ku laabtaan kana baxaan dalka Kenya.

Soomaali farabadan ayaa ku xayiran dalal ay Kenya kamid tahay,kuwaas oo uu saameeyay xayiraada dhinaca socdaalka ah ee Soomaaliya la saaray si looga hortago Cudurka Coronavirus.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment