612 Views

DFS oo ka jawaabtay mushaar la’aantiii ay ka cawdeen Macalimiintii saxay Imtixaanka

DFS oo ka jawaabtay mushaar la’aantiii ay ka cawdeen Macalimiintii saxay Imtixaanka
____________________________________________________________________________

Muqdisho|QOL|October 04, 2021—-Iyada oo Maalmihii la soo dhaafay ay mushaar la’aan ka cabanayeen, isla markaana ay sheegayeen inay xaquuqdooda maqan tahay macalimiintii ka qeyb qaatay Imtixaanka dowladda ayaa waxaa warkaas ka jawabtay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya ayaa marka hore waxaa loogu mahad celiyay macallimiinta had iyo jeer u taagan tayeenta waxbarashada ubadka soomaaliyeed gaar ahaan dajinta, ilaalinta iyo saxida imtixaanka qaranka ee sanad kasto ay qaado Wasaaradda Waxbarashada.

Sidoo kale Wasaaradda ayaa sheegtay in ay dada dheer ugu jiraan helida xaquuqda macalimiinta iyo kuwii saxay Imtixaanka, isla markaana ay uga maqan tahay dhinaca Wasaaradda Maalliyadda.

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare, waxay dadaal dheer ugu jirtaa sidii xuquuqdooda ay u heli lahaayeen macalimiinta u dhabar adeegay ka qeyb-qaadashada imtixaanka qaranka waxayna jawaab ka sugeysaa dhigeeda Wasaaradda Maaliyadda annagoo rajeyneyna in dhawaan aad heli doontaan xaquuqdiina ku aadan saxida iyo ilaalinta imtixaanka qaranka ayaa lagu iri” Qoraalka Wasaaradda Waxbarashada.

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya aya snad kasta qaada Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Sare, waxaana mararka qaar cabasho dhanka mushaar la’aanta ah keena Macalimiintii ka qeyb qaatay saxida iyo ilaalinta imtixaanka.


Xafiiska \Qaranimo Online|Muqdisho

_____________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post