588 Views

Xildhibaan ka soo jeeda Koonfur Galbeed oo sheegtay in mushaarkii laga jartay loona hanjabay

Xildhibaan ka soo jeeda Koonfur Galbeed oo sheegtay in mushaarkii laga jartay loona hanjabay
____________________________________________________________________________


Isniin:July 4, 2022

 Waxaa sii cakirmeysa xaaladda maamul ee ka jirta Koonfur Galbeed Soomaaliya, wixii ka dambeeyey markii hoggaanka dalka looga guuleystay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo taabici uu u ahaa hoggaamiyaha maamulkaas.

Xildhibaan Axlaan Cumar oo maanta warbaahinta kula hadashay Muqdisho ayaa sheegtay in mushaarkii laga jartay, sidoo kalena loo hanjabay.

Xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegtay in loogu hanjabay in xasaanadda xildhibaanimo laga qaadi doono, hadii aysan joojin hadallada uu dhibsanayo hoggaamiyaha maamulkaas.

Waxay intaas ku sii dartay in si gooni ah loo baacsado xildhibaanada iyo qof kasta oo isku daya inuu ka hadlo dhibaatada amni ee ka jirta deegaanada maamulkaas.

Xildhibaan Axlaan waxay codsatay in Koonfur Galbeed la badbaadiyo oo loo sameeyo hoggaan ka saari kara go’doona ay dhowr iyo tobanka sano ku jirto.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post