270 Views

Shirka Golaha wadatashiga Qaran oo galay maalintii labaad.

Shirka Golaha wadatashiga Qaran oo galay maalintii labaad.
____________________________________________________________________________

Talaado: DECEMBER 27, 2022

Shirka Golaha wadatashiga Qaran ayaa galay maalintiisii labaad Shirkan oo ay  ka qeyb galaya Madaxda Dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada kajira dalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayey uga arinsanayaan arrimo muhiim u ah Dowladda Soomaaliya.

Shirkan ayaa Madaxdu waxay ku odorasayaan federaaleynta garsoorka iyo asteynta awoodaha heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed, arrinkan oo qeyb ka ah dhammeystirka fulinta qodobbadii warmurtiyeedkii ka soo baxay Shirkii Madasha Qaranka 3-aad ee ku soo gaba-gaboobay Muqdisho 12-kii Sebteembar.

Sidoo kale  shirka ayaa waxaa looga hadli doonaa xaaladda amniga dalka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo Ciidamada Xoogga dalka ay ka soo hoyeen guulo waaweyn, kana xoreeyeen deeganno badan oo ay horey ugu sugnaayeen khawaarijta Alshabaab.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post