513 Views

Iiraan oo Mareykanka iyo Israel ku eedeysay Dibad baxyada ka dhacay dalkaasi

Iiraan oo Mareykanka iyo Israel ku eedeysay Dibad baxyada ka dhacay dalkaasi
____________________________________________________________________________

 

 

Talaado: OCTOBER 4, 2022

Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran,  Ayatollah Ali Khamenei, ayaa ku eedeeyay Mareykanka iyo Israa’iil in ay hurinayaa dibadbaxyada dalkaasi ka dhacayay in ka badan laba toddobaad.

Khamenei ayaa mudaaharaadyada dawladda looga soo horjeedo ku tilmaamay rabshado la damacsan in lagu burburiyo horrumarka Iiraan.

“Waxaan si cad u sheegayaa in rabshadahan iyo amni-darradan ay ahaayeen naqshad ay sameeyeen Maraykanka iyo guumaysiga, maamulka Sahyuuniyadda beenta ah [Israa’iil] iyo kuwa ay mushahar siiyaan, iyo qaar Iiraaniyiin ah oo khaa’inul waddan ah oo dibadda jooga ayaa caawiyay,” Khamenei ayaa ka sheegay Xaflad ka qalin jabineysay Jaamacadda Tehran.

Dibabad baxyada ayaa billaawday, ka dib markii haweeney 22 jir ah oo Kurdish ah, Mahsa Amini, ay ku dhimatay bishii hore gacanta booliska Iran

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post